Faahfaahin ka soo baxaysa dhulgariir dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Shiinaha
Ugu yaraan 53 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 62 kalena ay ku dhaawacmeen kadib dhulgariir weyn oo saaka oo Talaadada ah ku dhuftay gobolka buuraleyda Tibet ee dalka Shiinaha, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda Shiinaha.
Dhulgariirka ku dhuftay magaalada Shigatse ee Tibet ayaa dhacay saacaddo markay ahayd 09:00 xilliga maxalliga ah ee dalkaas, waxaana cabbirkiisu ahaa 7.1 sida laga soo xigtay xogta sahanka dhulka ee Maraykanka, taasoo sidoo kale muujinaysa cabsi ah in dhul-gariir kale uu dhici karo.
Dhul-gariirka ayaa sidoo kale laga dareemay Nepal oo deris la ah gobolka mashaqadu ka dhacaday, iyadoo qeybo ka mid ah Hindiya-na laga dareemay.
Dhul-gariirku waa uu ku badan yahay gobolkaas, marka la eego taariikhada inta jeer ee uu ka dhacay.