Erdogan oo sheegay in Turkiga aanu aqbali doonin kala qaybinta Suuriya
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dalkiisu aanu aqbali doonin in la kala jaro dalka ay deriska yihiin ee Suuriya.
Madaxweynaha Turkiga ayaa xalay sheegay in Turkiga uu diyaar u yahay inuu fara-gelin ku sameeyo Suuriya, haddii ay arkaan khatar ka dhan ah qaranimadeeda iyo midnimadeeda dhuleed.
Madaxweynaha ayaa kooxaha fallaagada ee dalkaasi qabsaday uga digay kala qaybsanaan dhexdooda ah, isagoona ku booriyay in dalkooda ay samatabixiyaan, ka dib ridistii Bashar Al Assad.
“Ma ogolaan doono in Suuriya la burburiyo ama la carqaladeeyo qaab dhismeedkeeda mideysan, iyada oo aan la qarinayn.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Ankara ayaa yiri “Haddii aan u aragno khatar arrintan la xiriirta, waxaan si degdeg ah u qaadi doonnaa tallaabooyinka lagama maarmaanka ah.”
Turkiga ayaa taageera Ciidamada Xorta Suuriya, kuwaa oo qayb ka ahaa dagaalkii ay hoggaamineysay Hayat Tahrir Al-Sham (HTS) ee xukunka lagaga tuuray Madaxweyne Assad.
Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Turkiga ayaa digniin gaar ah u jeediyay Xoogaga Kurdiyiinta Suuriya ee isugu yeeray (Ciidamada Dimoqraadiga Suuriya ama SDF), kuwaa oo Mareykanka uu hubka siiyo.
Ankara ayaa khatar u aragta YPG, oo ah qaybta ugu badan ee Ciidamada Dimoqraadiga Suuriya ee Mareykanka uu taageero, kuwaa oo ciidamadiisa ku sugan dalkaasi ka caawiya dagaalka ay kula jiraan Daacish. YPG ayaa sidoo kale si dhow loola xiriiriyaa Jabhadda Kurdiyiinta Turkiga ee PKK.
Madaxweynaha Turkiga ayaa YPG ku eedeeyay inay gabaad siiso Jabhadda PKK ee laga mamnuucay dalkiisa. Turkiga ayaa PKK iyo YPG u aqoonsan kooxo argagixiso.
Erdogan ayaa sheegay inuu amri doono hawlgal dhinaca dhulka oo ka dhan ah YPG, haddii aysan ka laaban garab istaageeda PKK iyo amaceeda ku aaddan kala qaybinta Suuriya.
Erdogan ayaa shirkiisii jaraa’id ee xalay ku sheegay in argagixisada aanu boos uga bannaaneyn gobolka, kuwa argagixisadanimada doortana ay dhulka ku aasi doonaan, iyaga iyo hubkoodaba.
“Masiirka keliya ee sugaya kuwa doorta argagixisada iyo rabshadaha waxaan ku aasi doonnaa dhulka, iyagoo hubkooda wata. Waxaan sidaas u leeyahay si cad, ma jirto awood ka hor iman karta inaan sidaas dhaho.” Ayuu yiri Erdogan.
“Dalka uma gacangelin doono kuwa ummadda u hanjabaya, iyaga oo ka wakiil ah maandooriyaha argagixisada.” Ayuu yiri Erdogan.
Erdogan ayaa ku celiyay baaqiisii ahaa inay hubka dhigaan, isla-markaana ay kala tagaan Xoogaga Kurdiyiinta Suuriya, haddii aanu jirin meel ay ka soo geli karaan mustaqbalka siyaasadeed ee dalkaasi. Xoogagan ayaa la sheegaa inay u ololeynayaan in ay Kurdiyiinta Suuriya yeeshaan dowlad ka madaxbannaan tan Suuriya.
“Dabcan waxaan rajeynaynaa in tani ay u dhacdo si nabad ah oo degan oo hubkana ay iska dhigaan, laakin haddii ay sii wadaan shidada, markaa ka waaban mayno in aynu isticmaalno gacanta birta ah ee dowladnimadeenna.” Ayuu yiri Erdogan.
Tan iyo ridistii dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Assad oo xukunka laga tuuray 8-dii bishii December, Turkiga ayaa ku adkeysanayay in YPG ay hubka dhigto, haddii kalena ay gacan adag kala kulmi doonto ciidamadiisa.
Turkiga ayaa saamayn togan ku leh dalkaasi, ka dib is bedelkii dhawaan ka dhacay ee talada ay kula wareegeen kooxihii mucaaradka ee dagaalka kula jiray dowladdii dhacday.