Ciidamada Turkiga oo kordhiyay dhaqdhaqaaqooda militari ee Suuriya

Ciidamada Turkiga ayaa kordhiyay dhaqdhaqaaqooda militari ee deegaanada dhaca xuduudda Suuriya, ka dib dagaalka culus ee Jimcihii ka bilowday, welina ka socda waqooyiga Suuriya.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeya Ciidamada Xorta Suuriya ee Turkigu uu taageero iyo Xoogaga Kurdiyiinta Suuriya (Ciidamada Dimoqraadiga Suuriya) ee Mareykanka uu taageero.

Militariga Turkiga ee ku sugan xuduudda ayaa waxaa la sheegaya in ay suurtagal tahay in ay si qoto dheer gudaha ugu galaan dalkaasi, si loo jebiyo Xoogaga Kurdiyiinta ee culeyska soo saaray deegaanka Manbij oo hoostaga Magaalada Aleppo.

Xoogaga YPG oo u badan Xoogaga Kurdiyiinta Suuriya ee Mareykanka uu hubeeyo ayuu ujeedkoodu yahay in ciidamada uu Turkigu taageero ay ka riixaan deegaanada ku dhow dhow xuduudda labada dal, waana tan ka carreysiisay Turkiga, keentay in uu soo celiyo dhaqdhaqaaqiisii xuduudda. Turkiga ayaa dhowr jeer oo hore gudaha u galay dhulka Suuriya, intii uu socday dagaalka sokeeye ee dalkaas ka bilowday sanadkii 2011.

Wararka ayaa sheegay in Ciidanka Cirka Turkiga ay saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ay kordhiyeen duqaymaha ay ka gaysanayaan deegaanada waqooyi bari iyo waqooyi galbeed ee Suuriya.

Kooxda La socodka Xuquuqda Aadanaha Suuriya (SOHR) ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in weerarada hawada ee Turkiga ay ku fideen Magaalada Al-Raqqa, oo qiyaastii 160km dhinaca bari kaga beegan Magaalada Aleppo.

“Diyaaradaha Turkiga ayaa beegsanaya fariisimaha ciidan ee ku yaala baadiyaha Al-Raqqa.” Ayay SOHR ku sheegtay warsaxaafadeed ay soo saartay, iyadoo xustay in la burburiyay gaari dagaal, idaacad maxali ah iyo garaash ku yaala deegaanka Al-Tabaka oo hoostaga Al-Raqqa.

SOHR ayaa saaka sheegtay in ay xoogeysanayaan isku dhacyada u dhaxeeya Ciidamada Xorta Suuriya iyo Xoogaga Kurdiyiinta, isla-markaana ay dhinacyadu ku dagaalamayaan tuulooyinka koonfurta iyo bariga ee Manbij iyo waqooyiga deegaanka Sad Teshrin (Dam) ee bariga Aleppo.

Isniintiina, SOHR waxay sheegtay in Ciidamada Xorta Suuriya ay bilaabeen weeraro ay ku difaacayaan goobaha istiraatiijiga ah ee Manbij.

Militariga Turkiga ayaa la sheegaya in ay u muuqdaan kuwo isku diyaarinaya hawlgal ay kaga hortagayaan Xoogaga Kurdiyiinta Suuriya, oo Ankara ay u aragto khatar amni oo dhab ah, gacan saarna la leh PKK.

Militariga Turkiga ayaa haddaba masaafo aan badneyn gudaha ugu jira xuduudda waqooyi ee Suuriya, waana dhulka waqooyi galbeed ee Suuriya oo Turkigu uu sanado ka hor ka sameeyay aag nabdoon, oo ciidamadiisa ay ku ilaalinayeen mallaayiin Suuriyaan ah oo ku barakacay dagaalkii sokeeye ee dalkaasi.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa xalay Kurdiyiinta hubeysan ee Suuriya ugu baaqay in si degan ay uga mid noqdaan siyaasadda dalkaasi, ayna ogaadaan inaanan la ogolaan doonin in dalka ay kala qaybiyaan.

Turkiga ayaa YPG u tixgeliya koox argagixiso oo xiriir la leh Jabhadda Kurdiyiinta PKK ee muddada dheer weerarada ka gaysaneysay dalka Turkiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa Xoogaga YPG ugu yeeray in ay hubka dhigaan, haddii ay ka dhega adeygaana uu Turkigu qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka ah, sida uu yiri.

Hakan Fidan, Wasiirka Arrimaha Dibdda Turkiga ayaa Isniintii waxa YPG ku eedeeyay in qori caaraddii ay ku dooneyso inay ku kala jirto dalkaasi, sidaasi daraadeedna aan la soo dhaweyn doonin.

Wasiirka ayaa sheegay in hal waddo oo keliya ay YPG kaga mid noqon karto mustaqbalka siyaasadeed ee Suuriya, taasoo ah inay hubka dhigto.

“Kooxda lama diidi doono inay ka mid noqoto dhismaha dowladda cusub ee Suuriya, waa haddii ay hubka iska dhigto.” Ayuu yiri Wasiir Fidan.

Fidan ayaa xusay inaanan la aqbali doonin joogitaanka YPG ee waqooyiga Suuriya, isla-markaana uu dhowyahay sida uu yiri waqtigii ciribtirka ee kooxda. Waxa uu intaasi ku daray in Turkiga uu si adag ula dagaalami doono YPG iyo PKK oo labaduba uu u aqoonsan yahay ururo argagixiso.

Fidan ayaa Mareykanka iyo reer Yurub uga digay in aanay khatarta Daacish u isticmaalin marmarsiiyo lagu xoojinayo sida uu yiri PKK.

YPG oo Mareykanka uu gadaal ka riixayo ayaan la aqoon, sida ay si fudud hubka ugu dhigi karto, marka aad eegto warbixinadeeda is daba jooga ah ay ku sheegeyso in ay iska caabinayaan weerarada Turkiga. YPG ayaa sanado badan ku lug lahayd dagaalka sokeeye ee Suuriya.

Mareykanka ayaa waxaa cad in uu ka soo horjeedo in hubka laga dhigo dagaal-yahanadaasi, sababtu tahay isaga oo u arka xulafo muhiim ah oo ciidamadiisa ku sugan dalkaasi ka gacan siiya la dagaalanka Daacishta Suuriya.

Turkiga iyo Mareykanka ayaa la rumeysan yahay in si aan toos ahayn ay ugu lug leeyihiin dagaalka haatan ka socda waqooyiga dalkaasi. Labaduba waxay ka tirsan yihiin Gaashaanbuurta NATO.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker