Hoggaamiyaha mucaaradka Mozambique oo dalkiisa ku laabanaya xilli qalalaase laga baqayo
Hogaamiyaha mucaaradka Mozambique, oo hogaaminayay mudaaharaadyo toddobaadyo socday oo looga soo horjeeday doorashooyinkii muranka dhaliyay dibad joogna ahaa, ayaa sheegay inuu dalka ku soo laaban doono Khamiista.
Venancio Mondlane ayaa ku sheegay farriin uu soo dhigay baraha bulshada inuu imaan doono ka hor caleema saarka madaxweynaha cusub.Daniel Chapo oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Frelimo ayaa lagu wadaa in la dhaariyo toddobaadka soo socda.
Mudaharaadyadii socday maalmihii la soo dhaafay ayaa xasiloonida Mozambique si aad ah u saameyay dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay.
Haddii hoggaamiyaha mucaaradka Venacio Mondlane uu dalka ku soo laabto -sida uu ballan qaaday – qalalaase hor leh ayaa ka dhalan kara tallaabadaas.