Biden oo qorsheynaya inuu Israa’iil u diro hub qiimihiisu yahay $8bn

Waaxda Arrimaha Gudaha Mareykanka ayaa ogeysiisay Kongareeska qorshaha hub qiimihiisu yahay $8bn (£6.4bn) oo laga iibinayo Israa’iil, sida sarkaal Ameerikaan ah uu u xaqiijiyay BBC.

Hubkan, oo ansixin uga baahan guddiyada Aqalka iyo Senate-ka, ayaa waxaa ku jira gantaallo, madaafiic iyo hub kale.

Tallaabadan ayaa imaaneysa iyadoo keliya labo toddobaad ay u harsan tahay Madaxweyne Joe Biden inuu xilka ka dego. Washington ayaa diidday baaqyada ah inay joojiso taageerada militari ee ay siiso Israa’iil sababo la xiriira in dad rayid ah ay ku dhinteen dagaalka Qasa.

Bishii August, Mareykanka ayaa ansixyay $20bn si diyaaradaha dagaalka iyo qalab kale oo militari loogu diro Israa’iil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker