Tuulooyin Itoobiya ku yaalla oo laga kala cararay iyadoo foolkaano laga baqayo

Boqollaal qof oo ku nool baaddiyaha Itoobiya,165km (100 meyl) waqooyi-bari ka xiga caasimadda, Addis Ababa, ayaa guryahooda ka qaxayay iyagoo baqdin ka qaba foolkaano u muuqatay inay qarxi rabto, sida mid ka mid ah hoggaanka deegaanka uu u sheegay Laanta Afka Oromo ee BBC.

Qiiqa kasoo baxayay Buurta Dofan oo billowday abbaaro 17:00 xilliga gudaha (14:00 GMT) Khamiistii “ayaa ahaa mid cirka isku shareeray,” ayuu yiri Sultan Kemil.

Muuqaal lagu daabacay barta Facebook ee Machadka Geological Institute ee Itoobiya ayaa lagu arkayay uumi iyo bus kasoo baxaysa buurta.

Toddobaadyadii lasoo dhaafay, dhowr dhacdo ayaa ka dhacay deegaanka Awash Fentale oo ah deegaan u nugul dhul-gariirka kana tirsan gobolka Afar ee Itoobiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker