Shil sababay dhimashada sadax ruux oo ka dhacay duuleedka magaalada Muqdisho

Inta la xaqiijiyay ilaa sadax ruux ayaa ku geeriyootay shil gaadhi oo Xalay ka dhacay wadada isku xidha magaalada Muqdisho iyo deegaanka Jasiira.

Gaadhi shilka galay oo ahaa nooca raaxada ah ayaa waxaa ku dhintay dhamaan dadkii saarna oo ka koobna sadax ruux oo kala ahaa laba gabdhood iyo darawalkii gaariga waday oo la sheegay inuu ahaa askari ka tirsana ciidanka dowladda Fedaraalka.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in shilka gaariga uu dhacay, iyadoo gaariga uu ku socday Xawaare sare taasoo keentay inuu jidka ka baxo gaariga oo uu guud ahaantiisa burburo.

Goobjoogayaasha waxay sidoo kale sheegeen in gaariga shilka galay uu tartan kula jiray gaari kale oo ay wateen rag kaloo dhalinyaro ahaa oo ka yimid deegaanka Jasiira ee duuleedka magaalada Muqdisho.

Shilkaan khasaaraha dhimashada leh sababay ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalinta Jimcaha ah ay dadweyne badan u damaashaad tagaan xeebta deegaanka Jasiira.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker