Kooxda M23 oo isku sii ballaarisay Congo qabsatayna magaalo muhiim ah
Fallaagada laga taageero Rwanda ee M23 ayaa qabsatay magaalo ku taalla bariga Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo kadib markii ay isku dhaceen ciidamada iyo maleeshiyaadka xulafada la ah.
Kooxda ayaa la wareegeysay dhul macdanta qani ku ah oo ku yaalla bariga Congo tan iyo sanadkii 2021 taasoo keentay inay barakacaan boqollaal kun oo qof.
M23 ayaa weerarayay dhowr furin iyagoo xowli ku socda. Ciidamada Congo iyo maleeshiyaadka xulfada la ah ayaa awoodi waayay inay magaalada Katale ka difaacaan in la qabsado sidoo kalena magaalada weyn ee Masisi ayaa u muuqata mid u gacan geli doonta.
Kooxdan ayaa hadba dhul badan qabsanayay oo maamulayay kuwaasoo qani ku ah macdanta. Waxay kadib ka sameeyaan lacag badan iyagoo canshuuraya shirkadaha macdanta.