Sheekada toddoba jirka maalmo iskala noolaa libaaxyada iyo xayawaannada kale
Wiil yar oo carruur ah oo muddo iskaga dhex noolaa Beerta Duurjoogta oo ay ku sii jiraan xayawaanno ay ki mid yihiin Libaaxyo iyo Maroodiyo.
Beertan ayaa ku taalla Waqooyiga Zimbabwe
Wiilka yar ayaa nolol lagu helay kadib markii uu shan maalmood ku noolaa beertan dsida uu sheegay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka.
Sheekadan oo aad looga hadal hayo dalkaas ayaa ku bilaabatay markii Tinotenda Pudu uu ka lumay gurigoodii, isagoo socday ugu yaraan 23 km (14 mayl) si uu u galo “beerta khatarta badan” ee Matusadona, ayuu ku qoray xildhibaan Mutsa Murombedzi barta X (ee hore loogu yaqaannay Twitter).
Intii uu shantaas maalmood noolaa, wuxuu “seexanayay meelo buur ah oo dhagax ah, isagoo ku dhex jiray libaaxyo ciyaya, maroodiyo iska ag soconayey, xilli uu quudaneyey midhaha kayntaas,” ayaa la sheegay.
Beerta duurjoogta ee Matusadona waxaa ku sugan ku dhawaad 40 libaax. Wakhti ka mid ah, waxay aaggaas ku noolaa mid ka mid libaaxyada ugu badan Afrika, sida ay sheegtay hay’adda African Parks.
Dadka baraha bulshada ayaa si weyn u ammaanayay wiilka dhalinyarada ah adkeysigiisa.
“Tani waa wax ka baxsan fahamka aadanaha,” ayuu qof ku qoray barta X.
Qof kale ayaa qoray: “Wuxuu heli doonaa sheeko aad u xiiso badan oo uu ka sheekeeyo marka uu ku laabto iskuulka.”