Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka degey magaalada Godey
Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka degey magaalada Godey ee Deegaanka Soomaalida, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey madaxweynaha DDS, Mustafe Cumar.
Raysal Wasaare Abay ayaa la sheegay inuu halkaasi ka furi doono mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey, sida ay Ku warantay warbahinta Itoobiya.
Socdaalkan Abey ayaa ku soo beegmaya xilli uu dhowaan Deeganaka somalida Itoobiya uu ka dhacay Dagaal Xoogan oo dhimasho badan sababay, kaas oo ay iskaga hor yimaaden Ciidanka Liyou booliska iyo dadka Deegaanka Dacawalay.