Weerar ay dad ku dhinteen ayaa ka dhacay New Orleans

Mareykanka ayaa baaraya in weerarkii arbacada ka dhacay New Orleans ee dadka ku dhinteen uu xiriir la leeyahay qaraxii ka dhacay isla maalintaas bannaanka hotelka Trump ee Las Vegas.

Madaxweyne Biden ayaa ku tilmaamay xaaladda mid jilicsan, wuxuuna sheegay in baaris ay socoto. FBI-da ayaa aaminsan in ninka jirsiiyay gaariga dad badan New Orleans uusan aheyn kaligiis aheyd.

Walxo kale oo in ay qarxaan suuragal tahay ayaa laga helay meelo kale oo magaalada ah. Las Vegas, qof watay gaari Tesla ah ayaa ku dhintay markii uu qarxay. Gaariga waxaa saarnaa gasacyo shidaal ku jiraan iyo waxyaabo kale oo qarxa

Booliska ayaa ka hadlay cadeymaha ay ka heleen agagaarka gaariga weerarka loo isticmaalay. Calanka kooxda la baxday dowladda Islaamka ayaa laga helay gudaha gaariga weerarka kaddib sida ay FBI-du sheegtay. Waxay hadda sheegeen in ay u baarayaan weerarka sida fal argagixiso. Booliska waxay sidoo kale helen qori ay ku xiran yihiin qalabka codka aamusiya

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker