Dawladda Maraykanka oo sheegtay inay ka Walaacsan tahay Xukuumadda Cusub ee Ay soo dhiseen Ururka Taliban

Dawladda Mareykanka ayaa dhaleeceesay dhismaha dowladda cusub ee ku meel gaadhka ah ee Afghanistan, oo ay ku jiraan rag lagu eedeeyay inay geysteen dilal wadareed.

Afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanaka ayaa walaac ka muujiyay in ay dowladda cusubi ee ay Taalibaan soo dhistay ka Kooban tahay oo qudha xubno ka tirsan Taliban. Wuxuu kaloo sheegay in in kasta oo saraakiisha Taliban ay ka hadleen dhisidda dowlad loo dhan yahay, haddana ma jiraan wax haween – ama dad kale oo ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay – oo ilaa hadda la magacaabay.

Ururka Daalibaan ee Afghanistan ayaa ku dhawaaqay dowlad cusub, kaddib in ka badan muddo sadex todobaad ah ay xukunka ka tureen dowladii uu caalamka aqoonsanaa.

Waxaa ra’iisal wasaaraha cusub loo magacaabay Mohammad Hasan Akhund oo ku jira liiska dadka ay Cunaqabateynta saartay Qaramada Midoobay.

Sirajudiin Xaqaani oo ah madaxa Ururka Shabakadda Xaqaani oo la rumeysanyahay inuu laayay dad badan oo rayid ah, ayaa loo magacaabay Ra’iisal wasaaraha cusub, ninkan ayaa sidoo kale Waxaa doondoonaysa FBI-da Mareykanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker