Shan Dal oo ku Yaalla Afrikada Bari oo Wada Qorshe Wada-reed Dhaqaale

Muqdisho (OWN) – Shan wadan oo Geeska Afrika ku yaalla  ayaa Wada qorshe Wadareed   dhaqaale   oo Looga Golleeyahay  in lagu soo saaro raasumaal $15 bilyan gaadhayo si dhaqaalaha kobac u sameeyo sidoo kalena ganacsiga iyo hormarka dadka gobolka ku nool saare loogu qaado.

Hindisahaan dhaqaalaha sare loogu qaadayo waxaa ku mideesan dalalka Kenya, Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti iyo Eriteria, waxayna heshiis rasmi ah wada gaareen bishii hore ayadoo goob joog ay u ahaayeen World Bank Group/IMF kulankii sanadlaha ahaa ee Washington DC ka dhacay.

Sida uu sheegay Bangiga Hormarinta Afrika (African Development Bank) hindisaha kobaca dhaqaalaha shantan dal ku heshiiyeen wuxuu ku saleesan yahay afar ahmiyadood in mudnaanta kowaad la siiyo oo kala ah: hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha isku xiraan dalalkan dariska ah, sare in loo qaado ganacsiga iyo is dhexgalka dhaqaalaha, in la dhiso qorshe dhaqaale oo waaro kaasi oo abaaraha iyo hoos u dhaca dhaqaale looga hortagaayo iyo ugu dambeyntii in la xoojiyo hormarka aadanaha iyo tacliinta.

Si loo hirgaliyo qorshaha lagu heshiiyay waxay u baahanyihiin dalalkaas $15 bilyan oo hormarka lagu heshiiyay lana hiigsanayo lagu gaaro.

Khaled Sherif  oo ah Madaxweyne ku xigeenka African Development Bank wuxuu ku tilmaamay heshiiska ay dalalka wada gaareen mid istaaraatiiji ah sidoo kalena xambaarsan keed dhaqaale oo laga faa’iideesan karo.

Khaled Sherif wuxuu yiri “Geeska Afrika Juqraafi ahaan waa istaraatiiji muhiim ah madaama dalalkaas maraan Badda Cas, Badda Carbeed, Badweynta Hindiya iyo Gacanta Gulf-ka waa goobo muhiim u ah socdaalka gobolka iyo mid caalamka sameeyaan.”

“Haddii laga faa’iideesto oo is dhexgal sax ah la sameeyo waxaa ka dhalan karo awood dhaqaale oo adkeysi leh sidoo kalena balan qaadi karto in waji cusub oo barwaaqadiisa wato dalalkaas gali doonaan waxayna ka caawin doontaa dalalkaas inay faa’iidada iyo kobaca dhaqaale isla qeebsadaan sidoo kalena hindisaha nabadda hadda la wado waa mid in badan gobolka dan weyn ugu jirto” ayuu sii raaciyey.

Inta badan dalalkan geeska Afrika ku yaalo ee wada heshiiyeen waxay sameeyeen kobac dhaqaale oo qaarada inteeda kale laga dareemay sanadkii hore 2018. Wax soo saarka gudaha Afrika sanadkii hore 3.5% ayuu sida guud sare u kacay, waxaana xusid mudan in Itoobiya kobaceeda gaaray 7.7% wax soo saarka gudaha, halka Jabuuti gaareen 5.6%, Kenya 5.9% iyo Eritrea 4.2% gaareen. Marka laga reebo Soomaaliya oo kabaceeda ahaa 2.9% inta kale kobac dhaqaale oo xoogan ayay sameeyeen.

Caasimada Online

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker