Nuxurka Qodobada lagaga Wadahadlay Shir Xisbi KULMIYE Yeeshay

Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa shir ballaadhan oo uu ku yeeshay xarunta dhexe ee xisbiga ee magaalada Hargeysa maanta.

Shirkan oo ay isugu yimaadeen hoggaanka xisbiga KULMIYE, xubno Guddiga Fulinta ah, qaybo ka mid ah kaadirka iyo hal-doorka xisbiga, isla markaana uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Xisbiga, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, waxa lagaga wadahadlay arrimo kala duwan oo la xidhiidha xisbiga iyo xaaladaha dalka.

Qodobada ugu waaweyn ee Masuuliyiinta iyo xubnaha ka qaybgalay ay sida wayn u falanqeeyeen waxa ka mid ahaa:

1. Xaaladaha siyaasadeed ee dalka Somaliland ku jiro iyo kaalinta kaga aaddan xisbiga KULMIYE inuu ka qaato.

2. Qaabka xisbigu u gudanayo mucaaradadiisa, iyadoo mar walba xoogga la saarayo sidii horeba loogu yaqaanay xisbiga KULMIYE ilaalinta Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.

3. Arrimaha xisbiga KULMIYE ee la xidhiidha hawl-maalmeedkiisa, abaabulka iyo dardargelintiisa, iyadoo la isla qaatay in la sameeyo daraasado si cilmi ah loo diyaariyo oo xisbigu ku hawlgeli doono.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker