Madaxweynaha Soomaliya Iyo Raiisal Wasaaraha Ethiopia oo kulan ku yeeshay Magaalada Beijing.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Beijing ee caasimadda dalka China.
Kulanka labada Hoggaamiye ayaa dhacay ka hor shirka Afrika iyo China ee berri ka furmaya Beijing, waxaana labada mas’uul waxyaabaha ay ka wada hadleen ka mid ah Dhaqaalaha, isdhexgalka Geeska Afrika oo lagu sheegay in uu muhiim u yahay maalgashiga dibadda iyo isku xidhka amniga Gobolka.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isal Wasaaraha Itoobiya ayaa waxa ay ka mid yihiin Madaxda Afrika ee ka qayb gelaya shir weynaha u dhaxeeya Hoggaamiyayaasha Afrika iyo kuwa China ee saddexda Bishan ka furmaya Beijing.
Labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa heshiis kala saxiixday Bishii June ee la soo dhaafay, waxaana Jimchii labada Wasaarado arrimo dabadeed sameeyeen Guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeya xidhiidhka labada dal.