Turkiga iyo Kurdiyiinta Suuriya oo ay ka dhex tolan tahay
Ciidanka Cirka Turkiga ayaa Arbacadii duqayn ka gaystay waqooyiga Suuriya iyo dalka Ciraaq, ka dib markii Kurdiyiinta Suuriya ay Talaadadii weerareen dagaal-yahanada uu Turkigu taageero ee dalka Suuriya.
Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa sheegtay in hawlgalka hawada lagu dilay 21 nin oo isugu jira Xoogaga YPG iyo PKK, kuwaa oo 20 ka mid ah ay ka tirsanaayeen PKK-da Turkiga ee la mamnuucay.
Wasaaradda ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in dagaal-yahanadaasi ay isku diyaarinayeen weerar ka dhan ah dalka Turkiga.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu adkeeyay dadaalada joogtada ah ee Turkigu uu ku doonayo in uu ku fashiliyo weerarada waxa lagu sheegay argagixisada, isaga oo qaadaya tallaabooyin ka hortag iyo burburin ah.
Turkiga ayaa ka carooday weerar ay Xoogaga Kurdiyiinta Suuriya oo loo yaqaano (Ciidamada Dimoqraadiga Suuriya ama SDF) ay ku qaadeen Ciidamada Xorta Suuriya ee Ankara bari-taarto, kuwaa oo qayb ka ahaa dagaalkii ay hoggaamineysay Hayat Tahrir Al-Sham (HTS) ee xukunka lagaga tuuray Bashar Al Assad.
YPG ayaa qayb ka ah Xoogaga SDF ee Mareykanka uu hubeeyo, waana dagaal-yahanada Ciidamada Mareykanka kala qayb qaata hawlgalka ka dhanka ah Daacishta Suuriya.
Kurdiyiinta ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen Ciidamada Xorta Suuriya, si ay uga riixaan deegaanada ku dhow dhow xadka woqooyi ee Suuriya la wadaagto Turkiga.
Dagaal-yahanada Kurdiyiinta Suuriya ayaa muddo dheer ku lug lahaa dagaalka sokeeye ee wejiyada badan ee dalkaasi, waxayna hadda u ololeynayaan inay yeeshaan dowlad ka madaxbannaan Suuriya, taas oo Turkigu uu ka soo horjeedo.
Horaan, Turkiga ayaa waqooyiga Suuriya ka bilaabay hawlgal saddex weji leh oo ka dhan ah Kurdiyiinta Suuriya, si aysan PKK halkaasi uga soo weerarin dalkiisa.
Turkiga ayaa YPG u arka koox argagixiso oo xulafo la ah Jabhadda Kurdiyiinta Turkga ee PKK oo dagaal kula jirta dowladda dalkaasi. PKK ayaa tobanaan sano hoggaamineysay kacdoon ka dhan ah Ankara.
Turkiga, Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa PKK u aqoonsan urur argagixisado, iyagoona ku daray liiska argagixisada.
Hadda, Militariga Turkiga ayaa la sheegaya in ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan xuduudda labada dal, si loo xoojiyo safka Ciidamada Xorta Suuriya ee ay Ankara taageerto.
Warbaahinta caalamga ah ayaa warineysa in yoolka Ankara uu yahay in Kurdiyiinta hubeysan laga fogeeyo xuduudda waqooyi ee Suuriya, si aanay caqabad ugu noqon ammaanka Turkiga.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Turkigu uu isha ku hayo dhaqdhaqaaaqyada Kurdiyiinta hubeysan, oo isku dayaya in ay qabsadaan deegaanka Manbij oo hoostaga Magaalada Aleppo ee waqooyiga Suuriya. Dagaal-yahanada Kurdiyiinta ayaana la sheegay in ay 11km oo keliya u jiraan Manbij, isla-markaana ay soo dedejineyso isku dhac ka dhex qarxa iyaga iyo Turkiga.
Afhayeenka Qaybta Haweenka ee Xoogaga YPJ ee SDF, gabadha lagu magacaabo Ruken Jamal ayaa sheegtay in Ankara ay isku dayeyso inay wiiqdo saamaynta xoogagaasi ee wada-xaajoodyada mustaqbalka siyaasadeed ee Suuriya.
Ruken Jamal ayaa sheegtay in Dowladda Turkiga ay hub badan siineyso Ciidamada Xorta Suuriya, si loo jebiyo Xoogaga Kurdiyiinta.
Isku dhacyada ka soo cusboonaaday waqooyiga Suuriya ayaa ku soo aadaya toddobaadyo uun ka dib, markii meesha laga saaray dowladdii qoyska reer Assad ee muddada dheer ka arrimineysay dalkaasi.