Dab xoogan oo baabi’iyay Suuqii weynaa ee Degmada Xudur
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab xooggan oo xalay qabsaday suuqa weyn ee degmada Xudur ee Gobolka Bakool, Dabkaan ayaa dhammaan baabi’iyay goobaha ganacsiga ee uu ka kacay waxaana ku baaba’ay dhammaan hantida tiilay halkaasi.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in Suuqa weynaa ee ay haysteen uu baabi’iyay dab qabsaday islamarkaana aanan jirin hanti laga bad baadiyay maadaama uu aad u xoogganaa dabkaasi.
Saacado badan ayay tilmaameen dadka degaanka inuu dabka socday oo aysan helin wax gurmad weyn marka laga soo tago dadka degaanka oo xoog iyo xeelad iskugu geeyay sidii ay u damin lahaayeen, Majiro tirakoob sax ah oo laga bixiyay dabkaan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dabka qabsaday Suuqa Xudur uu dhaliyay, koronto halka dad kalena ay sheegayaan in kaalin Shidaal daris la ahaa suuqa gubtay uu saameeyay.
Degmadaan Xudur ayaa muddo ka badan 10sano waxaa go,doomiyay dagaalamayaal ka tirsan Kooxda Al shabaab, Suuqaan waxa uu ahaa midka kaliya ee laga isticmaalayay magaaladaasi.