10 Falastiinyiin ah oo ay saxafiyiin ku jireen oo lagu dilay Gaza
Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay, in ugu yaraan 10 qof lagu dilay duqeymo ay ciidamada Isra’il aroornimadi hore ee Khamiista maanta ah ku garaaveen Gaza.
Shan ka mid ah dadka ayaa lagu dilay madfac lagu dhuftay guri ku yaalla xaafadda Zeytuun ee magaalada Gaza, sidaasi waxaa xaqiijiyay ilo-wareedyada caafimaadka. Waxaa laga cabsi qabaa in dhimashada ay intaasi ka badato.
Weerar kale ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay shan saxafi kaddib marki madfac lagu bartilmaameedsaday baabuur ay saarreeyeen oo ku sugnaa xarunta Isbitaalka Al Cawda ee xerada qaxootiga Nuseyraat ee bartamaha Gaza. Wariyaasha ayaa u shaqeynayay telafishanka Al Qudus Al Yowm.
Warbaahinta Falastiiniyiinta iyo wariyaasha maxalliga ah ayaa sheegay, in baabuurka saxafiyiinta lagu dilay uu watay calaamadda lagu garto warbaahinta iyo wariyaasha. Wariyaasha la dilay ayaa warar kasoo tabinayay xaaladda isbitaalka iyo xerada Nuseyrat,
Ma jirto war war ah oo arrintaasi ku saabsan oo kasoo baxay ciidamada Isra’il.
Arbacadii shalayna, Xamaas iyo Isra’il ayaa midbo midka kale ku eedeeyay dib u dhac kale oo ku yimid heshiiska laga rajo qabay in labada dhinac ay ku gaaraan xabad-joojin ka dhaqan gasha Gaza iyo in lasii daayo la heystayaasha ku afduuban Gaza.