Ruushka oo weeraro ku qaaday kaabayaasha tamarta ee Ukraine
Magaalooyinka Ukraine ayaa subaxnimadii dabaaldaga Christmas-ka waxaa lala beegsaday weeraro culus oo loo adeegsaday gantaalada riddada dheer ee Ruushka.
Wasiirka tamarta Jarmalka Galushchenko ayaa yiri: “Cadowgu wuxuu mar kale qaadayaa weerar weyn oo ku dhan ah nidaamka tamarta.”
Waxa uu sheegay in korontadii la jaray si looga fogaado khasaara ak dhasha weerarada.
Qaraxyo dhowr ah ayaa ruxay magaalada Kharkiv oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ukraine.
Waxaa jiray warar horudhac ah oo kasoo baxay maamulka deegaanka oo sheegaya in uu jiro dhaawac.
Magaalada Dnipro ayaa sidoo kale la sheegay in la weeraray.