Maamulka cusub ee Suuriya oo digniin u diray Iran
Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Suuriya ayaa uga digay Iran in ay “fawdada ku faafiso” Suuriya. Asaad Xassan al-Shibani ayaa sheegay in Tehran ay tahay in ay ixtiraamto rabitaanka shacabka Suuriya ee ah in ay iska fogeeyeen nidaamka Asad ayna xaqiijiso madax banaanida iyo amaanka dalka.
Isniintii, wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegtay in aysan xiriir toos ah la samayn madaxda cusub ee Suuriya, waxayna ugu baaqday in aysan u ogolaan Suuriya, waa sida ay hadalka u dhigtay, “gabaadka argagixisada”.