Dad kala duwan oo ku dhintay baas lagu furay dad ku sugnaa Cisbitaal ku yaal Haiti
Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen saxafiyiin, boolis, iyo shaqaale caafimaad intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo lagu shaacinayay dib-u-furista isbitaalka ugu weyn ee dadweynaha ee Haiti.
Tiro kale oo badan ayaa ku dhaawacmay weerarkii Talaadadii ka dhacay Isbitaalka Guud ee ku yaalla caasimadda Port-au-Prince.
Sawirro lagu soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dhowr qof oo ku dhaawacmay ama dhintay gudaha dhismahaas.
Goobta waxaa dib ula wareegay dowladda Haiti bishii Julaay, kaddib markii ay kooxo budhcad hubeysan oo gacanta ku haya inta badan magaalada ay qabsadeen oo burburiyeen