Qarax Ka Dhacay Magaalada Koonfurta Gaalkacyo Iyo Wararkii Ugu Danbeeyey

Inkastoo aan weli si rasmiya loo shaacin khaasaraha ka dhashay qaraxii galabta ka dhacay Gaalkacyo, ayaa haddana waxaa la xaqiijiyay geerida qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ku dhintay qaraxaas.

Saraakiisha ilaa iyo haatan la xaqiijiyay ee qaraxa ku dhintay waxa kamid ah Taliyihii Qaybta 21-aad ee Ciidamada Milateriga Soomaaliya Gen. Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje Dagaari), Taliyihii Ciidanka Danab Qaybta Galmudug Gaashaanle Mukhtaar Cabdi Aaden iyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Mudug Qaybta Puntland Maxamuud Yaasiin Tumay.

Sidoo kale, askar iyo dad shacab ah ayaa la sheegay in dhimasho iyo dhaawac kala duwan ka soo gaaray qaraxaas oo lala beegsaday soo dhoweynta Ra’iisul wasaare Rooble oo Galabta soo gaadhay Gaalkacyo gaar ahaanna dhinaca Koonfurta Gaalkacyo.

Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka iyo Galmudug ayaan weli ka hadlin khasaaraha ka dhashay islamarkaana weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker