Xamaas oo sheegtay in weerarka Israel ee Kamal Adwan uu yahay dembi ka dhan ah bini’aadantinimada
Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa sheegay in weerarka ay Ciidamada Israel ku hayaan Isbitaalka Kamal Adwan ee waqooyiga Marinka Gaza uu yahay dembi ka dhan ah bani’aadantinimada.
Ururka iska caabinta Falastiin ayaa cambaareeyay weerarada soo noqnoqday ee ay Ciidamada Israel ku hayaan xarumaha caafimaadka ee Marinka Gaza.
“Waa dembi dagaal oo aan horey loo arag oo ka dhan ah bani’aadantinimada weerarada loo gaysanayo isbitaalada.” Ayay Xamaas ku sheegtay warsaxaafadeed ay soo saartay.
Warsaxaafadeed ayaa lagu yiri “Ciidamada gumeystaha waxay sii wadaan duqaymaha bahalnimada ah iyo burburinta joogtada ah ee aagagga waqooyiga Gaza, gaar ahaan xerada qaxootiga Jabalia iyo Beit Lahiya.”
Xamaas waxay sheegtay in Ciidamada Israel ay si ula kac ah u bartilmaameedsanayaan dhismayaasha la degan yahay, goobaha waxbarashada iyo xarumaha caafimaadka, gaar ahaan Isbitaalka Kamal Adwan.
Xamaas ayaa Ciidamada Israel ku eedeysay in ay si khasab ah dhaawacyada iyo bukaanada kale uga saarayaan isbitaalkaasi, waxayna ku tilmaamtay dembi kale oo isir sifeyn ah, xilli ay jirto bay tiri aamusnaan caalami ah iyo waxqabad la’aan.
Xamaas ayaa ka codsatay dalalka Carabta, kuwa Islaamka, dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ah inay qaadaan tallaabo degdeg ah, si loo taageero shacabka Falastiin, ilaalinta goobaha barakaysan iyo xoreynta dhulkooda la haysto.
Ciidamada Israel oo go’doomiyay isbitaalkan ayaa amray in ay banneeyaan shaqaalaha caafimaadka, lagana daadgureeyo dadka lagu daweynayo, taasoo aan la aqoon ujeedada ka dambeysa.
Goor sii horreysay, Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ayaa sheegay inaanan la garaneyn sababta ay Ciidamada Israel haatan u soo hujuumeen isbitaalkaasi, maadaama aanu dagaal ka socon hareerihiisa, isla-markaana aysan ku sugneyn kooxaha wax iska caabinta .
Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa dhalleeceeyay tallaabada ay Israel uga sii dareyso xaaladda bani’aadantinimo ee Marinka Gaza.
Philippe Lazzarini ayaa dunida ku dhaliilay inay ka gaabisay wax ka qabashada xaaladda murugsan ee bani’aadantinimo ee ka jirta Gaza oo idil.
Lazzarini ayaa sheegaya in weerarada Israel u gaysaneyso dugsiyada iyo isbitaalada ay noqdeen wax caadi ah, tani oo ka dhigan dembi dagaal, marka loo eego xeerarka caalamiga ah.
“Dagaaladu waxay leeyihiin xeerar. Dhammaan xeerarkaas waa la jebiyay.” Ayuu yiri Lazzarini oo mar kale ku baaqay in xabad joojin laga sameeyo Gaza.
Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah (ICC) ayaa 21-kii bishii November soo saartay amar lagu soo xirayo Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisii hore ee Difaaca, Yoav Gallant, ka dib markii ay maxkamaddu sheegtay in labadaasi nin loo haysto dembiyo ka dhan ah bani’aadantinimada oo Israel ka gaysatay Marinka Gaza.
Sidoo kale Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah (ICJ) ayaa waddo baaritaan ku saabsan dacwad xasuuq oo Koonfur Afrika ay ka soo gudbisay Israel.
Caddeymaha loo hayo in Israel ay xasuuq ka gaysatay Marinka Gaza ayaa waxaa xoojinaya baaritaanada madaxbannaan ee ay sameeyeen Hay’adaha Xuquuqul Insaanka. Human Rights Watch iyo Amnesty International ayaa Israel ku eedeeyay in dagaalka ay ka waddo Gaza uu baalmarsan yahay sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.
Xadgudubyada joogtada ah Israel ee ka dhanka ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada ayaa dunida ka soo cusbooneysiiyay Yahuud naceyb.
Wacyiga aadka u kordhaya ee bulshada caalamka iyo heesaha ay fannaaniinta ka sameynayaan dhiigga ay Israel muddada dheer daadineysay ayaa keenay in dadka Yahuudda ay macno ahaan qiimo beelaan, waxaadna arkaysaa dadka reer galbeedka oo ka gaabsan jiray inay dhaliilaan ay ku cambaareynayaan fagaareyaasha iyo doodaha telefishinada ka baxaya.
Golaha Amniga Israel ayaa dhawaan bulshada Yahuudda ugu baaqay inaysan is muujin, isla-markaana ay qariyaan calaamadaha lagu aqoonsan karo, sababo ku aaddan inay bartilmaameed noqon karaan.
Israel ayaa wajaheysa waqtigii ugu adkaa ee soo mara, tan iyo aasaaskii dowladnimadeeda. Dowladda Israel ayaa ah dowladda qura ay leeyihiin dadka Yahuudda meel kasta oo dunida ay ka joogaan.