Fanaankii Cabdiraxmaan-Dheere Oo Geeriyooday Maagalada Boorama

Alle Ha U Naxariistee Fanaankii Cabdiraxmaan Cismaan (Cabdiraxmaan-Dheere) Oo   xalay  ku geeriyooday maagalada Boorama, Waxa Uu fanka magac ku Yeeshay horaantii 1970-yadii illlaa dabayaaqaddii 1980-yaddii.
Waxa uu ka tirsanaa kooxdii ciidanka xoogaa ee General Daa’uud
Cabdiraxmaan oo ahaa fanaan cod macaan heesaha uu qaaday waxa ka mida
Nin ka tagay dhulkiisa
Adna ku waari maysid
Caloolaay naftaydaay
Suuldhabaale oo uu la qaaday Sahra Axmed Jaamac
Heesta Hargeysa
Boqorkii haweenkaay oo uu la qaaday Caasha Cige
Geelaygii curad cirkaa lagu maalay
Gocomada wada jira oo uu la qaaday Caasha Cige
Iyo heeso kale , waxa xaas u ahayd oo carruur u dhashay fanaanada caanka ah ee Aamina Cabdilaahi Xirsi .
Cabdiraxmaan iyo Aamina waa aabaha iyo hooyada dhalay fanaanada da’ada yar ee Hodan Cabdiraxmaan oo ku nool dalka Mareykanka .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker