Natiijada baadhitaanka labadii qof ee Meydkooda laga helay gaadhiga dhexdiisa oo hada lagu dhawaaqay
Agaasimaha cisbitaalka guud ee Hargeysa ayaa ku dhawaaqay Natiijada ka soo baxday baadhistii Alle haw naxariistee meydadka Xamse Iyo Huda oo dhawaan gaadhi meydkooda laga dhex heley Hargeysa .
Agaasimaha ayaa sheegay in dhimashada Labada marxuum baadhistii ku ogaadeen inay sababtay maadada Carbon Monoxide oo ka soo baxday gaadhigay saarnaayeen oo Iskaasku xaga hoose ka daloolay.
Alle haw naxariisto marxuumiintaasi.