Israel oo dad rayid ah ku dishay aagga bani’aadantinimada Al-Mawasi ee Gaza

Israel ayaa weerar xagga cirka ah ku qaadday deegaanka Al-Mawasi ee koonfurta Marinka Gaza, iyadoona ku dishay dad rayid ah.

Hay’adda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka Israel ay saqdii dhexe ee xalay duqeeyeen teendhooyinka ay dadka rayidka ah degan yihiin ee Al-Mawasi.

“Duqaynta ayaa sababtay in teendhooyinka ay gubtaan, waxaana goobta lagu dilay ugu yaraan toddobo qof.” Ayaa lagu yiri war ay soo saartay Hay’adda Difaaca Madaniga.

Warka ayaa lagu sheegay in dhowr qof oo kale ay ku dhaawacmeen weerarka, isla-markaana ay goobta la bartilmaameedsaday ku dhowdahay Isbitaalka Ingiriiska ee Al-Mawasi.

Taliska Militariga Israel ayaa iyagu sheegay inay goobta ku beegsadeen xubno ka tirsan Xoogaga Ururka Xamaas, iyagoo aan soo bandhigin wax caddeyn ah.

Militariga Israel ayaa horey Al-Mawasi ugu aqoonsaday aag bani’aadantinimo, iyadoona dadka rayidka ah ku booriyay in halkaasi ay badbaado doontaan, ha yeeshee aysan jirin meel nabdoon oo ku taala Marinka Gaza.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa marar kala duwan weeraray qoysaska barakacayaasha ee halkaasi degan, iyadoo Israel ay qiil ka dhiganeyso inay beegsaneyso Xamaas.

13-kii bishii July duqayn ay Israel ka gaysatay Al-Mawasi ayaa waxaa ku dhintay 90 qof oo dhammaantood dad rayid ahaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker