Diyaarad dagaal oo Mareykanka uu leeyahay oo lagu soo riday Badda Cas

Diyaarad dagaal oo Mareykanka uu leeyahay ayaa Axaddii lagu soo riday Badda Cas, dhacdadaas oo u muuqata dab saaxiibtinimo, sida uu sheegay Militariga Mareykanka.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ee CENTCOM ayaa sheegay in mid ka mid ah maraakiibtooda dagaalka ee ku sugan Badda Cas uu si kama’ ah u toogtay diyaaraddaasi.

Markabkan oo ridayay gantaalaha nooca la hago ayaa la sheegay in si aan ku talagal ahayn uu u soo riday diyaaradda ku burburtay Badda Cas oo nooceedu ahaa F/A-18.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ayaa war uu soo saaray ku sheegay in labadii duuliye ee la socday diyaaradda ay ka badbadeen shilkaasi, inkastoo mid ka mid ah ay sheegeen inuu soo gaaray dhaawac fudud.

Warka ayaa lagu sheegay in dhacdadan ay timid, ka gadaal markii Mareykanku uu qaaday duqaymo is xigxigay oo dhanka cirka ah, oo lagu beegsanayay goobo lagu kaydiyo gantaalaha iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xuuthiyiinta Yemen.

Taliska CENTCOM ayaa sheegay in duqaymaha sidoo kale lagu bartilmaameedsaday raadaarada laga hago weerarada Xuuthiyiinta ee ku yaala Caasimadda Sanca.

Talisku ma sheegin in diyaaraddu ay qayb ka ahayd duqaymaha laga fuliyay dalka Yemen, waxaase la ogyahay in diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay tan iyo bishii January ku lug leeyihiin duqaymaha ay xulafada Mareykanka ka gaysanayaan dalkaasi.

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa 12-kii bishaasi bilaabay inay duqaymo ka gaystaan dhulka ay Xuuthiyiinta maamulaan, ka dib markii ay kordheen weerarada ay ku hayaan maraakiibta mareysa Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas ee ku sii jeeda Dekedaha Israel.

Qorshaha Washington iyo London ayaa ahaa in ay ka hortagaan weerarada ay Xoogaga Xuuthiyiinta ku hayaan maraakiibta laga leeyahay Israel iyo maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee la macaamila dekedaheeda, iyadoo aan loo eegeyn dalka laga leeyahay.

Xuuthiyiinta ayaa bartamihii bishii January ku dhawaaqay bartilmaameed sharci ah oo ka dhan ah maraakiibta laga leeyahay Mareykanka iyo Ingiriiska, iyadoo laga jawaabayo duqaymaha ay ka gaysanayaan gudaha Yemen, waana xilli aan loo eegeyn inay ku sii jeedaan Israel iyo in kale.

Labadan dal oo ka mid ah xulafada reer galbeedka ee ugu muhiimsan Israel ayaa ku guuldareystay in ay joojiyaan weerarada Xuuthiyiinta, waxayna Xuuthiyiinta kordhiyeen weeraradooda maraakiibta. Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa sidoo kale billo ka hor bilaabay inay si toos ah gantaalo ugu garaacaan bartamaha Israel.

Xuuthiyiinta Yemen ayaa go’doominta Dekedaha Israel iyo weerarada ay ku hayaan maamulkaasi ku taageeraya shacabka Falastiin.

Xuuthiyiinta ayaa la xusuustaa inay dhowr jeer dalalka reer galbeedka ugu baaqeen in ay Israel ka joojiyaan dembiyada ay ka gaysaneyso Marinka Gaza, bedelkii ay dagaal la geli lahaayeen Yemen iyo shacabkeeda, balse ma jirto cid warkooda dhageysatay.

Mohammed Al Bukhaiti oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Xuuthiyiinta ayaa ku hanjabay inay sii socon doonaan weeraradooda Israel, illaa iyo inta laga soo afjarayo xasuuqa Israel ka waddo Gaza iyo go’doominta muddada dheer saaran dadka reer Gaza.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen, Abdul-Malik Al Houthi ayaa Khamiistii sheegay inaysan jirin cid shacabka Yemen ka hor istaagi karta inay taageeraan walaalahooda Falastiin.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta ayaa carabka ku adkeeyay in weerarada xagga cirka ee uga imanaya Israel iyo xulafadeeda dibadda aysan ka joojin doonin inay sii wadaan cadaadiskooda militari ee ka dhanka ah Tel Aviv.

Burburka ku yimid diyaaradda dagaalka Mareykanka ayaa noqoneyso khasaarihii ugu weynaa ee Mareykanka uu kala kulmo Bariga Dhexe, ka dib ku dhawaad muddo sanad ah oo uu beegsanayay kaabeyaasha militari ee Xuuthiyiinta Yemen.

Toogashadan ayaa la sheegaya inay calaamad u tahay in ay khatar dhab ah ka jirto marin biyoodka Badda Cas, iyadoo ay sii socdaan weerarada Xuuthiyiinta ee maraakiibta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker