Maxaa ka jira in hogaamiyaha Suuriya uu diiday inuu sawir la galo gabar timaheeda muuqday?
Hogaamiyaha dalka Suuriya, Axmed al-Sharaa, ayaa ka hadlay muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada todobaadkii la soo dhaafay.
Axmed waxaa uu beeniyay muuqaalkaas oo muran ka dhaliyay baraha bulshada, kaas oo muujinaya isaga oo u baaqaya gabar da’a yar ah inay timaha daboolato ka hor inta uusan sawir la gelin.
Dadka qaar waxay muuqaalka u arkayeen astaan muujinaysa in Axmed al-Sharaa uu doonayo inuu dalka ku soo rogo nidaamka shareecada islaamka kadib markii uu horseeday in xilka laga tuuro madaxweynihii dalkaas, Bashaar al-Asad.
Qaarkood waxay ku dhaliilayeen sababta uu u ogolaaday inuu marka hore sawir la qaato qof dumar ah.
“Anigu ma aanan qasbin, laakin waa xoriyadeyda shaqsiyadeed. Waxaan doonaya in sawir la iiga qaado sida iigu haboon”, ayuu yiri Sharaa oo wareysi siinayay wariyaha BBC-da, Jeremy Bowen.
Haweeneyda ay sawirka wada galeen, Lea Kheiralla, ayaa sidoo kale shegtay, in aanay wax xumaan ah u arkin waxa uu ka dalbaday hogaamiyaha.
Dalka Suuriya, tiro ahaan, waxaa u badan bulshada muslimka gaar ahaan muslimiinta shiicada halka kuwa kalena ay heystaan diimo kale sida Kiristaanka, Calaawiyiinta, Druze iyo Ismaaciiliga.