Colaadda Ceerigaabo ka taagan waxa sababay maamulka Xamar
Colaadda Ceerigaabo ka taagan waxa sababay maamulka Xamar jooga ee Xasan Shiikh Maxamuud oo bixiyay ishaaro ah in haddii Khaatumo qabsato Ceerigaabo uu siinayo maamul goboleed. Dadkii wada deganaa ee nabadda kuwada joogay waxa dabka geliyay kooxo hubaysan oo u riyaaqay hadalka iyo aragtida Xasan Shiikh Maxamuud. Ceerigaabo in duullaan lagu soo qaado taas ayaan keentay.
Annigu dadkii diidanaa dulmigii Laascanood lagu sameyeey ayaan ahaa. In Ceerigaabo cid lagu dulmo horena u diidana, hadana diidan. Waxa se aan indhaha laga qarsan karin oo aan laga aamusin karin in Ceerigaabo dagaal lagu soo qaado. Ceerigaabo heshiis bulsho ayaa dadku ku wada noolaayeen, iyaga oo aan siyaasadda isku raacsanayn.
Dadka reer Ceerigaabo weli meel kasta oo ay joogaan waxa ay u badan yihiin doonista wada noolaashaha.
Waxa aan kula tallinayaa ciidamada duullaanka ah inay joogaan oo aanay nafahooda iyo nafo aanay is hayn ku halligin wax aan micno lahayn. Haddii aad shalay diidanayd dulmigii Laascanood ku dhacay, caqli maaha inaad maanta taageertid in Ceerigaabo lagaga soo duulo Laascanood oo dhiig umad lagu daadiyo doonis maamul goboleed.
Waxa aan xukuumadda Madaxwayne Cabdiraxmaan Cirro ee dabaal degga ku maqan ka codsanayaa inay ka dayso Ceerigaabo furinta colaadeed ee ay ka dhigtay. Muuse Biixi markii uu joogay Ceerigaabo ma ahayn furin dagaal.
Tobanaan kun oo reer Ceerigaabo ah ayaa qaxay. Burco, Ceelafwayne, Yufle, Fiqifuliye, Laascaanood iyo tullooyinka ku dhow magaalada ayay kala daadsan yihiin. Magaaladu kama soo kaban karto qasaaraha gaadhay.
Sida aanan u aqballin in Laascanood la duqeeyo, ayaanan u ogolayn in Ceerigaabo la duqeeyo.
Garyaqaan Gulleed Dafac