Wejigii U Dambeeyey Ee Dhismaha Dekedda Maydh Ee Gobolka Sanaag Oo Si Rasmi Ah Loo Bilaabay

Wejigii u dambeeyey ee dhismaha Dekedda Maydh, ayaa maanta si rasmi ah looga bilaabay Magalada taariikhiga ah ee Maydh ee Gobolka Sanaag.

Dhismaha dekedda oo muddooyinkii y dambeeyey gacanta lagu hayey, ayaa qaybihii u dambeeyey ee dhismaha Dekedda la bilaabay.

Eng Mursal Ardaale oo ka mid ah Injineerada gacanta ku haya dhismaha Dekedda Maydh, ayaa bilowgan wejigan ku tilmaamay tallaabo loo qaaday dhinac dhamaystirka Dekedda.

Dhismaha Dekedda oo laga maal gelinayo Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF, ayaa haddii la dhamaystiro dhismaheedu waxa uu noqon doonaa mid ay ka faa’iidaystaan dadka ku nool deegaannada Gobollada Bariga Somaliland.

Caqabada ugu weyn ee loo baahan yahay in iyada xal loo helo ayaa noqon doona dhismaha jid isku xidha Maydh iyo gobollada kale, maadaama oo Maydh iyo Deegannada ku xeerani yihiin juquraafi ahaan dhul buuralayd ah, oo dhismaha jidka loo samaynayaan u baahan yahay dhaqaale badan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker