Wasiirka Cusub Ee Madaxtooyada Oo Xilkii La Wareegay
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Ambassador Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa xilkii si rasmi ah ugu kala wareejiyey wasiirka cusub ee Madaxtooyada, Mudane Khadar Xuseen Cabdi iyo agaasimihii guud ee hore ee Madaxtooyada, Mudane Maxamed Cali Bile.
Munaasibadda xil-wareejinta oo ka qabsoontay xarunta qasriga madaxtooyada, islamarkaana ay madaxweyne-ku-xigeenka kala qaybgaleen madaxda xilka la kala wareegaysay, saraakiisha waaxaha kala duwan iyo shaqaalaha madaxtooyada, ayaa lagu soo dhaweeyey wasiirka cusub ee xilka la wareegay, laguna sagootiyey agaasimihii hore ee madaxtooyada.
Ugu horray, agaasimihii hore ee madaxtooyada, Mudane Maxamed Cali Bile oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday waxyaabihii uu madaxtooyada kusoo kordhiyey muddadii uu xilka hayey, isaga oo shaqaalahana uga mahadceliyey sidii hufnayd ee ay ula soo shaqeeyeen.
Wasiirka cusub ee wasaaradda Madaxtooyada, mudane Khadar Xuseen Cabdi oo kelmedo kooban ka jeediyey munaasibadda, ayaa agaasimaha hore uga mahadnaqay waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu xilka hayey, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu dardargelin doono hawlaha shaqo ee madaxtooyada, shaqaalahana tayeyn doono, islamarkaana ku shaqayn doono siyaasadda madaxweynaha Qaranka ee hawshan u igmaday.
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo xilka u kala wareejiyey labada masuul, ayaa sagootiyey agaasimaha xilka wareejiyey, soona dhaweeyey wasiirka cusub ee madaxtooyada oo ku tilmaamay shaqsi firfircoon oo wax badan ka beddeli kara horumarka madaxtooyada.