Taliska Booliska oo Ka Hadlay Laba Marxuum oo Meydkooda laga Helay Gaadhi dhexdii
Taliska guud ee Ciidanka Booliska JSL , waxa uu gacanta ku hayaa baadhista kiiska laba marxuum oo saaka laga helay maydkooda gaadhi dhexdii degmada Gacmo-dheere ee Hargeysa. Boolisku waxa uu bulshada u xaqiijiyay in baadhista kiiskaasi ay socoto , waxaana marka ay baadhitaanku dhammaado bulshada la wadaagi doonaa natiijada kiiskan.
Sidoo kale, Taliska Boolisku waxa uu digniin u dirayaa dadka baraha bulshada ku faafinaya wararka beenta ah ee ku saabsan kiiskan, waxaanan faraynaa in ay ka digtoonaadaan faafinta xogaha aan xaqiiqda ahayn.