Gabadh Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Stocholom ee dalka Sweden
Saynab Xasan waa Saxiibta Nimco ay aad isugu dhawaayeen, waxa ay sheegtay in ay maqashay qayladeedii ugu dambeysay xilli ay qadka taleefanka kula hadleysay.
“Waxay bilowday inay magacayga ku dhawaaqdo, kadibna ay qayliso”, ayey tiri Seynab.
Waxay ahayd xilli fiid ah oo ay Nimco Bashiir ka soo baxday shaqadeedii maalinlaha ahayd ee kalkaaliyenimo waxayna soo raacday mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee xaafaddeeda soo aadayay.
“Ma jirin wax cusub ama ku soo kordhay oo ay ii sheegeysay, sideennii caadiga ahayd ayaan axwaasha iskaga wareysaneynay, waxaan sidoo kale ka wada hadalnay xilligii aan is arki lahayn si aan uga sheekeysanno qorsheyaasheenna”, ayey tiri Seynab Xasan.
Seynab waxaa kale oo ay sheegtay in saaxibteed Naciimo ay ka codsatay in aysan qaadin waddadaas maadama ay tahay dhul kayn ah oo hadanna buur ah isla markaana ay buurta ku sibxan karto, balse Naciimo ayaa ugu Jawaabtay “tan ayaa fudud oo xaafadda u dhow”.
Sida ku cad xogta Aftonbladet, waxay dhaawacyo toorrey ah ay kaga dheceen meelo badan oo jirkeeda ah, waxaana booliisku ay xaqiijiyeen in la dilay.