Axmed al-Sharaa oo ka hadlay inuu ogolaan doono isticmaalka khamriga ee gudaha dalka
Hogaamiyaha Suuriya, Axmed al-Sharaa, ayaa wareysi dheer oo uu BBC-da siiyay kaga hadlay arrimo kala duwan.
Mar wax laga weydiiyay isticmaalka khamriga ee gudaha waddanka, gaar ahaan inuu ogolaan doono, waxaa uu Sharaa yiri: “waxaa jira waxyaabo badan oo aanan xaq u lahayn inaan ka hadlo maadaama ay yihiin arrimo sharci la xirriira”.
Waxa uu intaa ku daray, in la sameyn doono “guddi sharci dejin oo Suuriyaan ah, kuwaaas oo sameyn doona dastuurka dalka, iyaga ayaa go’aan ka gaari doona. Qof kasta oo hogaamiye ama madaxweyne ahna, waa inuu raaca sharciga”.
Sharaa waxaa ka muuqatay degenaan intii uu socday wareysiga ay BBC-du la yeelatay, wuxuu ku labisanaa dhar rayid ah, wuxuuna isku deyayay inuu qanciyo dhamaan dadka rumeysan in kooxdiisu aanay weli ka bixin kooxaha lagu tilmaamo argagaxisada.
Dad badan oo Suuriyaan kuma qanacsana.
Tallaabooyinka ay qaadi doonaan hogaamiyeyaasha cusub ee dalka Suuriya bilaha soo socda, ayaa laga garan doonaa ama muujin doona nooca dal ee ay doonayaan in Suuriya noqoto, iyo dabcan qaabka ay doonayaan inay u maamulaan ama ay u hogaamiyaan.