Wasarada Amniga Somaliland oo Hambalyo u Dirtay Ciidamada Qaranka
Wasaaradda Amniga Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland waxay hambalyo iyo boogaadin u diraysaa Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, jabkii ay gaadhsiiyeen kooxaha huwanta ah ee shalay gelinkii danbe weerarka ku soo qaaday fadhiisamada Ciidanka Qaranka ee bariga Magaalada Ceerigaabo.
Wasaaraddu waxay si wayn u boogaadinaysaa Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo markasta u taagan difaaca Qarannimada iyo xaqiijinta Amniga guud ee dalka, Ciidamada Qaranku waa naftood hurayaal waxayna shalay Qaranka u soo hooyeen guul wayn, waxayna cadawga tuseen in cidkasta oo u soo haqal taagta waxyeelaynta Qarannimada jamhuuriyadda Somaliland in ay la kulmayaan tallaabo aanay mahadin.
Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay u taagan tahay oo astaan u ah nabad, horuumar, Dumuqraadiyada iyo himilooyinka lagu xaqiinayo halka Qarankani higsanayo, balse Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland marnaba gorgortan ka gelimayso waxkasta oo taabanaya ama waxyeelaynaya Qarannimada, wada jirka Bulshada iyo amniga guud ee Dalka.