Ururka shaqaalaha caalamiga ah oo cambaareeyay heshiisyada shaqalaha Soomaaliya iyo Sacuudiga
Ururka ay ku midaysan yihiin Ururrada Shaqaalaha caalamiga ah (ITUC) ayaa sheegay inay garab taagan yihiin mowqifka Ururka ay ku midaysan yihiin Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU, iyagoo cambaareeyay heshiisyada laba geesoodka ah ee ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Sacuudiga.
Heshiisyadan ayaa taageeraya in shaqaale Soomaali ah loo diro dalka Sacuudiga, xilli uu Sacuudigu isku diyaarinayo martigelinta Koobka Adduunka 2034.
Xoghayaha Guud ee ururka ITUC Luc Triangle, ayaa yiri,”Waan cambaareyneynaa heshiisyadan lagu deg degay iyadoo aan lala tashan ururada shaqaalaha. Heshiiskaan wuxuu abuurayaa in laga faa’iidaysto tobanaan kun oo muhaajiriin Soomaali ah. .
“FESTU waxa ay heshiisyadan ku sifaysay addoonsiga casriga ah. Waxaan la garab taagannahay FESTU shaqadeeda cadaaladda ah, waxaana cambaareyneynaa isku day kasta oo lagu doonayo in lagu aamusiyo ururada shaqaalaha madaxa bannaan iyo shaqadooda si ay u muujiyaan xadgudubyada shaqaalaha ka dhanka ah,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Ururka ay ku midaysan yihiin Ururrada Shaqaalaha Adduunka.
“Hannaanka loo marayo shaqaalaha Soomaaliyeed ee Sacuudiga loo dirayo, iyadoo la duudsiinayo xuquuqdooda, waa xadgudub weyn oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo heerarka caalamiga ah ee shaqaalaha, waana in la joojiyo,” ayu ururku yiri.
Dhawaan ayay ahayd markii Soomaaliya iyo Sacuudiga ay kala saxiixdeen heshiisyo ku aaddan In la sameeyo hannaan habaysan oo loogu talagalay shaqaalaha Soomaaliyeed ee u tahriibaya dalka Sucuudiga.