2 Milyan Oo Xaaji Maanta Ku Sugan Buurta Barakeysan Ee Carrafa !
Waxaynu ku guda jirnaa Tobankii maalmood ee ugu horreeyay Bisha Dul-xija oo ah maalmaha ugu fadliga badan Ilaahay Agtiisa, isla markaana uu qofka Muslimka ah ee kaga faa’iideysta Camalka wanaagsaan uu Ilaahay Agtiisa kaga helayo Ajar aad u fara badan.
Maanta oo Isniin ah ayaa waxay ku beegantahay maalinta 9aad ee Bisba Dul xija waxaanay Xujaajta ku sugan Xajka sanadkani ay Maanta ku sugan yihiin Buurta Barakeysan ee Carrafa.
In ka badan laba Milyan oo Xaaji ayaa maanta ku sugan Buurtaasi Barakaysan ee Carrafa waxaanay dhammaantood halkaasi u tegeen hal ujeedo oo ah Dambi dhaafka Ilaahay, Nabigeenii Suubanaa NNKHAH waxa uu yidhi, “Xajku Waa Carrafa”, taasi oo macnaheedu yahay in Joogsiga Xujaajta ee Buurta Barakeysan ee Carrafa ay tahay arrin aad u muhiim ah.
Sidoo kale Muslimiinta aan nasiib u helin inay sanadkani ka mid noqdaan Xujaajta halkaasi ku sugan ayaa Maanta sooman si ay Ilaahay agtiisa ugu helaan ajarkaasi Maalintaasi oo uu Nabigeena Suubani SCW uu inoo sheegay in ajarka uu qofka maalintaasi sooma uu ku helayo Dambi dhaaf Sanadkaasi iyo sanadka ku xiga.
Dawladda Sucuudiga ayaa sheegtay inay ku dedaalayso sidii Duyuufta Raxmaanku si nabad qab ah u gudanayaan Xajka isla markaana ay ku dedaaleen in si habsami ah oo aanay Xujaajtu ku dhibaatoon ay Xajkooda u guttaan, shaqaale aad u tira badan oo iskugu jira ciidammada Ammaanka iyo shaqaalaha Caafimaadka iyo shaqaale kale ayaa ka hawl gala xajka sanadkani, kuwaasoo dhammaantood ka shaqaynaya sidii ay u raalli gelin lahaayeen Xujaajta sanadkani.
Waxaan Ilaahay SWT ka Baryeynayaa in Xujaajtaasi Maanta Buurta Barakeysan ee Carrafa ka aqbalo ducadooda iyo cibaadadooda, isla markaana Xajkooda ka yeelo “Xaj Mabruura”, inta aan nasiibka u helina inay ka mid noqdaan Xujaajta Sanad kale ka aqbalo Acmaasha Saalixa ah dhammaanteena Inoo Dambi Dhaafo, Ilaahay SWT ha ina siiyo Ajarka Maalmahaasi Barakeysan.