Magacyada Dadka Somalida Ah Ee Ku Geeriyooday Weerarkii Ee Dalka New Zealand Oo Dad Badan Oo Muslimiin Ahi Ku Nafwaayeen

Inkastoo wali aan la shaacin tirada rasmiga ah ee ku waxyeelowday toogashada ka dhacday Masjid ku yaala xaafadda Christchurch ee New Zealand, ayaa haddana waxaa la helayaa warbixin hordhac ah oo weerarka la xidhiidha.

 

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in seddex qof oo Somaali ah ay qeyb ka ahaayeen dadka ku dhintay weerarka, waxaana jirta dad kale oo dhaawacyo ay kasoo gaadheen weerarka Masjidka Al Nuur.

 

Dadka waxyeelada ay gaadhay waxaa kamid ah Macalin Dugsi oo ku yaala xaafadda weerarka uu ka dhacay, waxaana magaciisa lagu sheegay Sheikh Muuse Nuur Cawaale oo muddo ku sugnaa dalkaasi.

 

Waxaa sidoo kale dadka Waxyeelada soo gaartay kamid ah qof  magaciisa lagu koobay Sheikh C/qaadir, oo ka tirsanaa Shaqaalihii wakaaladii Biyaha Soomaalida, sida ehelada qaar laga soo xigtay.

Dadka sidoo kale ku dhintay weerarka waxaa ku jira Cabdullaahi Aadan Diiriye oo ahaa wiil lixsano jir ah, waxaana ku dhaawacmay aabihii Aadan Diiriye oo isku meel ay ku dukanayeen Salaada Jimce.

 

Dowladda New Zealand wali ma aysan shaacin dadka ku dhintay kuna dhaawacmay weerarka, waxaana la sheegayaa in ku dhawaad 200 qof  inay Masaajidka ku dukanayeen.

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker