Ciidanka Qaranka Oo Ka Hadlay Dagaalkii Maanta.
Maanta oo taariikhdu tahay 17/12/2024 waxa uu dagaal ku dhax maray deegaanka Dhuur-madare ee gobolka Sanaag Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Nabadiid iska soo uruursaday bariga Gobolka Sool.
Dagaalkan waxa guul wayn ka gaadhay Ciidanka Qaranka JSL iyadoo ay ku jabeen Nabadiidkii dagaalka soo qaaday, waxaana soo gaadhay khasaare wayn islamarkaana laga qabtay gaadiid ciidan iyo maxaabiis.
Faahfaahinta dagaalkaas gadaal baanu idinka la soo wadaagi doonaa.