Wasiirka Ganacsiga JSL Oo Soo Saaray Xeer Nidaamiyaha Bixinta Liisamadda Mukhalasiinta.

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa maanta wareegto wasiir ku soo saaray Xeer nidaamiyaha bixinta Liisamadda Mukhalasiinta.
Wasiirku waxa uu sheegay in isagoo ka duulaya qodobka 24aad ee xeerka Liisamadda ganacsiga Xeer LR. 98/2021 oo awood u siinaya wasiirka wasaaradda ganacsiga inuu soo saarro xeer nidaamiye lagu dhaqan gelinayo xeerka ganacsiga.

Sidoo kale wasiir Saajin, waxa uu soo saarista wareegtadaasi u cuskaday kadib talo-bixinta dhamaanba daneeyeyaasha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn, in la qabtay kulamo door ah oo ay ka soo qayb galeen shirkadaha bixiya ddeega khaliska badeecadaha.
Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), waxa kaloo uu xusay in iyadoo la eegayo ahmiyadda uu qaranka u leeyahay sidii addeegan loo tayayn lahaa, isla markaana la rabo in ay qabtaan muwaadiniin leh aqoontii, xirfadii, looga baahnaa adddeega shaqo ee bixinta mukhalasiinta.
Sidaas darteed, waxa uu wasiir Saajin, soo saaray Xeer nidaamiyaha bixinta Liisamadda Mukhalasiinta.

Xeer Nidaamiyaha uu wasiirka Ganacsigu soo saaray waxa uu u dhignaa sidan:–

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker