Ururka AlShabaab oo xukun qisaas ah ku fuliyay nin 50 sano jir ahaa oo ku noolaa Saakow.
Fagaare ku yaalo Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada dhexe, ayaa Al Shabaab waxa ay ku dileen nin da’ ah oo lagu eedeeyay inuu dilay laba ruux.
Ninkaan ayaa waxaa xukuntay maxkamadda Shabaab ee Degmada Saakow, kadib markii maxkamadda ay ku eedeysay inuu sun raashin ugu daray wiil iyo aabihiis, dad kalena suntaasi ay ku waxyeeloobeen.
Xukunkan Qisaasta ah ayaa waxaa lagu fuliyay Cali Max&#Array;ed Cali oo 51 sano jir ah, kaas oo dilay wiil iyo aabihiis oo lagu kala magacaabo Aadan Cali Nuur (waa Aabaha) iyo Cali Aadan Cali (waa Wiilka).
Qaadiga Maxkamadda Shabaab ee Degmada Saakow, ayaa xukunkaan ku dhawaaqay, iyadoo durba rag hubaysan ay rasaasta la boobeen ninkii la xukumay oo fagaaraha tiir ku yaalay ku xirnaa.
Boqolaal ka mid ah dadweynaha Degmada Saakow, ayaa daawanaayay qaabka xukunka dilka ah uu u dhacay.
Al Shabaab ayaa Magaalooyinka ay ka joogaan Gobolada dalka Somaliya ka fuliya xukunada noocaan oo kale ah.