Madaxweynaha Turkiga oo imaanaya Soomaaliya sanadka cusub ee 2025
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa soo booqan doona dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya horraanta sanadka soo socda ka dib markii uu dhex dhexaadiyay heshiis lagu soo afjaray xiisaddii qaraarneyd ee labada dal u dhaxeeysay sida uu ku yiri qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa X.
“Waxaan booqan doonaa Itoobiya iyo Soomaaliya labada bilood ee ugu horreeya ee sanadka cusub, 2025” ayuu ku qoray dhambaal uu kaga hadlay heshiiskii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku dhexmaray Ankara 11-kii December.
Labadan Dowladood ayaa ku heshiiyey in ay soo afjaraan khilaafkii u dhexeeyay muddo sannad ku dhow ka dib wadahadalo saacado qaatay oo uu dhexdhexaadinayey Erdogan oo ku tilmaamay heshiiska labada dal mid taariikhi ah.
Khilaafka labadaan dal waxa uu bilaabmay bishii January markii Itoobiya oo aan bad lahayn ay heshiis la gashay Somaliland si ay u hesho dhul xeebeed iyo saldhig ciidan.
Taa baddalkeeda, Somaliland waxay sheegtay in Itoobiya ay siinayso aqoonsi rasmi ah, inkastoo aysan weli Addis Ababa xaqiijin.
Dowladda Turkiga ayaa dhex dhexaadinta labadaan Dowladood waxa ay soo bilowday bishii Luulyo, waxaa dhacay labo wareeg oo hore oo wadahadal ah, ka hor intaan lagu guuleysan usbuucii hore wada hadalada la isku hor fadhiisiyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, taasoo ammaan ka heshay Midowga Afrika, Washington iyo Brussels.