Xisbiga KULMIYE oo Lacagta Murrashaxnimada ka Dhaafay Haweenka iyo Beelaha laga Tirada Badan Yahay.

Xisbiga KULMIYE ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka dhaafay lacagta murrashaxnimo tartamayaasha ka socda haweenka dalka iyo beelaha la hayb-sooco.

Qoraalkan oo soo gaadhay Wakaalladda wararka Somaliland ee Solna ayaa u dhignayd sidan:-

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa wareegto uu soo saaray maanta ku shaaciyey in gebi ahaanba xisbigu joojiyey inuu wax lacag ah ka qaado murrashaxiinta matalaya haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay ee iska soo sharraxaya KULMIYE, si uu xisbigu u dhiirrigeliyo tartamayaasha labadaa qaybood ee ka tirsan bulshada.

Wareegtadan oo lagu socodsiiyey dhammaan Guddoomiyayaasha Gobollada dalka ee xisbiga KULMIYE, waxa uu Guddoomiye-ku-xigeenku ku sheegay in aan wax lacag ah laga qaadi doonin murrashaxaxiinta labadan qaybood ee doonaya inay u tartamayaan xildhibaannimada Golaha Wakiillada iyo Deegaannada dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker