Guddida Arrimaha Dibadda ee Maraykanka oo Loo Gudbiyay Xeer La Doonayo in Lagu Aqoonsado Somaliland

Xildhibaan Perry Scott, oo ka tirsan Kongaraska Mareykanka, ayaa Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Wakiillada Mareykanka u gudbiyay mooshin uu ku doonayo in lagu aqoonsado Somaliland.

Scott, oo ah xildhibaan kamid ah Xisbiga Jamhuuriga oo laga soo doorto Pennsylvania, ayaa 12-kii bishan December guddida usoo gudbiyay mooshinkan, oo tirsigiisu yahay H.R.10402 — 118 Congress (2023-2024), kaas oo uu doonayo in Maraykanku uu Somaliland si buuxda ugu aqoonsado.

Kadib doorashadii Trump, waxaa bilowday ollole ay wadaan saaxiibada Jamhuuriga oo ay ku doonayaan in lagu aqoonsado madaxbannaanida Somaliland, iyada oo qaar kamid ah warbaahinta caalamiga ahi ay sheegayso in aqoonsiga Somaliland uu ka midyahay mashruuca 2025, oo ay dejisay hay’ad Heritage Foundation oo gacansaar Xisbiga Jamhuuriga.

Warbaahinta caalamiga ah, gaar ahaan kuwa Maraykanka, ayaa Kadib doorashooyinkii 13 November si isdaba joog ah u baahinaya warbixino ay ku sheegayaan in Trump uu si toos ah u aqoonsandoono Somaliland kadib marka uu xafiiska fadhiisto. Sidookale, qaar badan oo kamid ah siyaasiyiinta Jamhuuriga ayaa xoog u taageersan Somaliland.

Arrintan ayaa waxa si weyn dabada uga riixaya dibulumaasiyiin badan oo ka tirsan Jamhuuriga, kuwaasi oo horay xilal badan usoo qabtay, isla markaana si joogta ah X ugu faafiya taageerada aqoonsiga Somaliland.

Trump ayaa la aaminsanyahay in uu yahay qof aan jeclayn Soomaaliya, isaga oo sannado ka hor ku tilmaamay meel burbursan oo aan dowladnimo ka jirin, waxaan jira dibulumaasiyiin Jamhuuri ah oo sheegaya in uu badali kari siyaasadii Maraykanka ee ahayd “Soomaaliya Midaysan”.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Washington DC, Daahir Xasan, ayaa ka dayriyey mooshinkan, isaga oo sheegay in Soomaaliya iyo Maraykanku ay muddo badan iska kaashanayeen nabadda gobolka iyo la dagaallanka argagixisada, sidaa darteedna tallaabo kasta oo dhaawacaysa midnimada Soomaaliya ay khatar gelin doonto iskaashiga.

Somaliland oo aan aqoonsi caalami ah helin muddo ka badan 33 sanno, ayaa naawilaysa taageerada Trump, iyada oo xukuumadu ay sheegtay in ay ka filayso taageero dibulumaasiyadeed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker