Garyaqaan Guuleed Dafac oo Madaxweyne Cirro ku eedeeyay Sharcijebin iyo Dastuur jabin;
“Hay’adda Duulista Madaniga ah waxa ay ku aasaasan tahay xeer, Xeer Lr. 70/2017. Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka waxa ay ku aasaasan thay xeer, Xeer Lr. 103/2023. Labada midkoodna madaxwaynuhu ma baabiin karro, haddii aan labadaas xeer wax ka bedel lagu samayn.
Sidaasdarteed, digreetada madaxwaynaha ka soo baxday ee uu labadaas hay’adood uga dhigay wasaarado waa sharci-jebin iyo dastuur jebin cad. Waxa ay si gaar ah xadgudub ugu tahay qodobka 37aad iyo qodobka 38aad ee Dastuurka Somaliland.
Mudane madaxwayne, ballantii aad qaaday waxa ay ahayd inaad dastuurka iyo xeerarka ilaalinaysid.”