Baarlamaanka Koonfurta Kuuriya oo cod u qaadaya mooshin xilka looga qaadayo madaxweynaha dalkaas
Kadib markii ay soo galeen xubnaha xisbiga PPP, ayaa guddoonka baarlamaanku waxa uu ku dhawaaqay in uu bilowday kalfadhiga baarlamaanku.
“Waxaan rajeynayaa in qof walba oo idin ka mid ah uu codkiisa dhiibto,” ayuu yiri Woo Won-shik. afhayeenka golahu.
XIldhibaano ka kala tirsan ilaa lix xisbi oo mucaarad ah ayaa waxay goor sii horeysay sii galeen xarunta golaha.
Madaxweyne Yoon iyo xulafadiisa ayaa waxaa ku socda baaritaan, iyada oo lagu eedeynayo kacdoon abuuris, waxaana xayiraad safar la saaray qaar ka mid ah saaxiibadiis.
Todobaadkii hore ayuu ka badbaaday xilka xayuubin baarlamaanku ku samayn rabay, waxa uuna xilligaas kadib ku dhawaaqay in uu dalka galiyay xaalad degdeg ah.