Mareykanka iyo Turkiga oo ka wada hadlay xaaladda dalka Suuriya

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Anthony Blinken, ayaa wadahadallo ku saabsan sidii xasilooni looga soo dabaali lahaa dalka Suuriya dalka Turkiga kula yeeshay madaxweyne Erdogan.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay, in labada mas’uul ay taageereen isbedel siyaasadeed oo ay Suuriya hormuud ka tahay oo horseedaya dowlad la xisaabtan iyo mid loo dhan yahay.

Dhanka kale, waxaa israa’iil ayaa diiday qaraar ka soo baxay golaha ammaanka ee Qaramada midoobey ee ku saabsan ciidamada ay soo dhoobtay xadka labada dhinac

Booqashada Blinken ee Turkiga, ayaa qeyb ka ah safar uu ku marayay qaar kamid ah dalalka deriska la ah Suuriya.

Waxaa sidoo kale la filayaa inay ka wada hadlaan sii socoshada dagaallada ka socda waqooyiga Suuriya, ee u dhaxeeya ciidamada Kurdiyiinta oo taageero ka helaya Mareykanka iyo jabhado uu Turkigu taageero, kuwaas oo la safan kooxda Hayat Tahriir al-sham HTS ee xukunka ka tuurtay madaxweynihii dalkaas Suuriya, Bashaar Al-Asad.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker