Israa’iil oo iska dhega tirtay baaqyada caalamiga ee ku aadan buuraha Golah Heights
Wasaaradda arrimaha dibedda ee Israa’iil, ayaa sheegtay in qabsashada qaybta ay Suuriya ka taliso ee buuraha Golan Heights, ay tahay “mid lama huraan ah” sababo la xirriira halista uga imaaneysa kooxaha jihaad doonka ee ka hawl gala xadka.
Dhanka kale, xoghayaha arrimaha dibedda ee Mreykanka, Antony Blinken, oo la hadlayay warbaahinta kadib markii uu ka yimid Jordan, wuxuu ugu digay dhamaan dhinacyada ay khuseyso inaysan qaadin wax tallaabo ah oo xaaladda sii kordhinaya.
Waxaa uu sheegay in cabsidaIsra’iil ay qabto ay tahay mid sax ah taasi oo ah in hubka uusan gacanta u galin kooxo qaldan.
Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee Qramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa walaac ka muujiyay xaaladda.