Wadahadallada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo la filayo inay Turkiga dib uga billowdaan
Wareeggii saddexaad ee wadahadallada la doonayo in lagu xalliyo xiisadda u dhaxeeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsan arrimaha badda ayaa lagu wadaa inuu ka bilowdo caasimadda Turkiga ee Ankara.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’antahay ilaalinta madaxbannaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Inkastoo wafdiga dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hadda ku suganyahay Ankara, haddana ilaa iyo hadda faahfaahin lagama hayo in raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu shirkaasi ka qaybgalayo oo uu tagayo Turkiga.
Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa qaraxday kadib markii bishii Jannaayo ee sanadkaan ay heshiis is af-garad ah wada galeen Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyo dowladda Itoobiya.