Israel oo sheegtay in ay burburisay kaabeyaashii militari ee Suuriya
Israel ayaa sheegtay in ay burburisay kaabeyaashii militari ee dalka Suuriya, ka dib duqaymo xiirir ah oo 48-kii saac ee la soo dhaafay ay diyaaradaheeda dagaalka ka gaysteen dalkaasi.
Militariga Israel ayaa xalay ku dhawaaqay in 480 weerar ay ciidamadooda ka fuliyeen gudaha Suuriya, oo ay ku jirto Caasimadda Dimishiq.
Militariga ayaa sheegay in la burburiyay hubka istiraatiijiga ah ee kaydka Suuriya, xarumihii nidaamka difaaca hawada, gantaalaha, garoomada ciidamada, helicopterada, bakhaaradii hubka kiimikada ee Dowladdii Bashar Al Assad iyo daraasiin ka mid ah goobihii wax soosaarka ee Militariga Suuriya.
Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel oo xalay Warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka Cirka Israel ay xitaa burburiyeen tiro ka mid ah maraakiibta ay leeyihiin Ciidanka Badda Suuriya.
Militariga Israel ayaa war ay soo saareen ku sheegay in ciidamadoodu ay garaaceen Dekedaha Latakia iyo Tartus, oo ay ku xirnaayeen sida ay sheegeen 15 markab.
Wasiirka Difaaca Israel ayaa sheegay in tallaabada lagu burburiyay maraakiibta Suuriya ay qayb ka tahay dadaalada ay Israel ku baabi’ineyso hantidii militari ee dalkaasi, ka dib markii la riday dowladdii uu muddada dheer hoggaaminayay Bashar Al Assad.
Wasiirka ayaa ku hanjabay in Israel aanay marnaba aqbali doonin in hubka dowladdii la afgembiyay uu u gacan galo mucaaradka dalkaasi.
Burburka nidaamkii Assad ayaa soo dedejisay jawaab militari oo aan caadi ahayn oo ka timid Israel, taas oo duqaymo cirka ah ku hayso bartilmaameedyada militari ee guud ahaan Suuriya.
Weerarada Israel ayaa xadgudub qaawan ku ah madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Suuriya.